Deeq A. Posted June 5, 2019 Tan iyo bilowgii sannadkan, waxaa soo batay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Puntland oo bogag ka furanaya baraha bulshada, gaar ahaanna facebook ,si ay dadweynaha uga gudbiyaan shaqada ay hayaan iyo farriimaha muhiimka ah. Waxaa kale oo garab-socda, bogag iyo akoonno been-abuura oo lagu samaystay magaca hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland, islamarkaaana si joogtaa loogu daabaco qoraallo jaah-wareerina oo loo ekaysiiyo kuwa dowladdu soo saarto. Taasina, waxay keentay in la kala garan waayay mid saxan, maadaama bogagga baraha bulshada ee dowladda aysan lahayn calaamadda muujisa akoonnada rasmiga, waxaana gebi ahaanba luntay aaminaaddii iyo kalsoonidii dadweynuhu ku qabay, qoraallada ku daabacan bogaga baraha bulshada ee wata magaca wasaaradaha iyo xarumaha kale Puntland. Jimcihii la soo dhaafay, wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland, ayaa qoraal ay Facebook ku baahisay ka sii digtay, roobabkii daadadka dhaliyay ee ka da’ay gobollo kamid ah Puntland, iyadoo ku baaqday in laga baxo meelaha godan. Balse, digniinta wasaaradda oo aan loo adeegsan hay’adaha warbaahinta rasmiga ah, ayaan gaarin dadkii ay khusaysay sida reer guuraaga, beeraleyda, wadayaasha gaadiidka iyo bulshada ku nool tuulooyinka fog-fog ee warbaahinta dhegaysta. Halka inta Facebook-yada isticmaasha ee akhristayna u qaateen, qoraalladii been-abuurka ahaa ee baraha bulshada, waxaana sidaasi ku khasaartay digniintii wasaaradda oo aan dheg loo jalaq-siin. Maalin kadib digniintaasi, ayaa roobab mahiiggaana oo ka da’ay degaanno ka tirsan gobolka Nugaal, waxa ay mowjado daadad ah ku hafiyeen tuulooyin hoostaga degmooyinka Garoowe iyp Dangoroyo ee gobolka Nugaal, halkaasi oo ay ka geysteen khasaare baaxad weyn oo mood iyo noolba leh. Dadka dhibkaasi gaaray ayaa u badnaa, qoysaska reer miyiga ah oo sida la ogyahay aan isticmaalin baraha bulshada, laakiin wax dhegaysta oo laga yaabo, haddii warbaahinta lagala hadli lahaa in ay digniintaasi qaadan lahaayeen. PUNTLAND POST The post Facebook oo jaah-wareer ka abuuray Puntland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites