Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo saldhig ka sameystay gudaha Kenya iyo dagaal ka dhacay xuduuda

Recommended Posts

Deeq A.   

Gedo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya xuduuda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ururka Al Shabaab iyo ciidamada Kenya, waxaana dagaalkaasi ku dhintay ugu yaraan hal askari oo Kenyan ah.

Dagaalka ayaa ka dhacay meel ku dhow xuduuda labada dal, gaar ahaan meel 6KM u jirta dhanka xuduuda, waxaana dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii Al Shabaab weerar ku qaadeen xarun ciidamada Kenya ku sugnaayeen.

Al Shabaab ayaa la sheegay inay ka gudbeen dhanka xuduuda Soomaaliya, islamarkaana ay saldhig ka sameysteen deegaanka DAWAHUBA oo 6 KM u jirta xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, sida uu sheegay isu duwaha amniga Gobolka Somaalida ee Kenya.

Dagaalka ayaa shalay ka dhacay meel ku dhow Tuulada Fiino lagu magacaabo oo kulaasha Soohdinta Kenya iyo Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha dhanka amaanka ee dalka Kenya.

Maxamuud Biriq ayaa sheegay in Ciidamada dowladda oo ka warhelay saldhigga ay Al-shabaab ka sameysteen degaankaas ayaa weerar ku qaaday,waxaana ku dhintay mid ka mid ah Ciidamada Booliska keydka ee Kenya oo dagaalka ku jiray.

Dowladda Kenya ayaa wali raadineysa labo dhaqtar oo udhashay Kenya kuwaas oo ay sheegtay in ay ku tabeyso AL-shabaab, waxaana Al Shabaab la sheegay inay dalbadeen lacag madaxa Furasho ah.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this