Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Askari Al-Shabaab ah oo lagu qabtay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Milateriga Soomaaliya gaar ahaan ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa gacanta ku dhigay dagaalame ka tirsan Al-Shabaab oo hubeysan kaas oo xoog ku soo galay dhismaha guriga Hooyooyinka ee ku yaalla degmada Xamar-wayne.

Subaxdii Axadda ee todobaadkaan islamarkaana ay saacadda ku beegneed 5:30 am (Shanta iyo barka sabaxnimo) ayaa nin ku hubeysan Bastoolad waxa uu ka soo gudbay barta Kontaroolka ee taalada Xaawo Taako isagoo ka soo cararay Askari halkaasi ilaalo ka ahaa.

Ninkaan ayaa laga shakiyay waxaana lagu amray in uu dhigo Bastoolad uu watay markii uu dhigay ayuu cararay waxa uuna galay dhismaha guriga Hooyooyinka. Waxa uu ka soo gudbay ciidamo Booliis ah oo fadhiyay Albaabka dhismaha Hooyooyinka, waxaana ceersanayay Askar ka tirsan ciidamada ilaalada Madaxtooyada.

Ninkaan Al-Shabaabka ah oo ka fakaday ciidamada ilaalada Madaxtooyada sidoo kalane ka soo gudbay ciidamada Booliiska ee ilaaliya guriga Hooyooyinka ayaa waxaa markii dambe celiyay difaacyo ka sameysan carro tuurro iyo silig la isku xir xiray.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in nin ninkaan markiisii hore ka tirsanaa ciidmada ilaalada Madaxtooyad,a waxaana la waayay muddo sanad ka hor ah isaga iyo Askari kale. Markaas waxaa soo baxayay warar sheegaya in ay u galeen Al-Shabaab ama Daacish.

Hadda waxa uu maalmo ka hor soo dagay guri u dhow Maktabadii hore ee Qaranka, waxaana soo damiintay qof mas’uul sare ah oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya sida uu sheegay Askari kale oo la daganaa qolka ninkaan Al-Shabaabka ah ee la qabtay.

Askarigaan xogta dhiibay ayaa la qabtay isagana kadib markii uu soo daba-kacay ninka la qabtay islamarkaana sheegay in uu ka soo qaatay Bastoolad isagoo hurdaya maadaama ay hal qol wada-daganaayeen.

Labadaan nin oo looga shakisan yahay Al-Shabaab midkoodna hadda ka tirsan yahay ciidamada Dowladda ayaa waxaa lagu xiray Xabsi ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya mana jirto cid faah faahin ka bixisay howlgaalkaan lagu soo qabtay ragaan Al-shabaabka ah.

Dad ku sugnaa dhismaha Hooyooyinka ayaa Caasimada Online u sheegay “waxay aheyd Aroor hore waxaan maqalnay qeylida nin dhahaya “ha idilina ha idilina” markii aan so baxnay waxaan aragnay nin la jiidaya oo dhahaya “halkaan igu dila yaan ley-geynin CID iyo su’aalo kale.”

“Ninka kale ee la qabtay waxa uu sheegay in uu daba joogay Bastooladiisa oo laga soo xaday waxa uu dalbanayey in CID iyo meel kasta la geeyo nin dhiiran ayuu ahaa cabsi ma qabin sida kale “ ayuu yiri qof la hadlay Caasimada Online oo ku sugnaa dhismaha Hooyooyinka markii la qabanayey ragaan hubeysan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay “baaritaanada hor dhaca ah ee la helay waxay sheegayaan in ninkaan hubeysan uu damacsanaa in uu toogasho ka fuliyo agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya inta ay dadka hurdayaan.”

Al-Shabaab ayaa la sheegay in laba jeer oo hore ay isku dayeen in ay weeraro ka fuliyaan dhismaha guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho. Tan iyo markaas waxaa jiray walaac amni oo ka taagnaa gurigaasi iyadoo inta badan shaqaalihii ay mid mid uga tageen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this