Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo sheegay in uu socdo gurmad lagu dayac-tirayo laamiga Garoowe iyo Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo kamid ahaa, mas’uuliyiintii dowladda ee salaadda Ciidda shacabka Garoowe kula tukaday garoonka Mire Awaare, ayaa sheegay in dowladda Puntland ay bilowday, gurmad xooggan oo lagu dhisayo meelaha uu ka go’ay laamiga xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso.

Mudane Gu’jir ayaa sheegay in burbur xooggani gaaray, waddada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, oo halbowle u ah isu-socodka gaadiidka ee degaannada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoo intaasi raaciyay in dowladda Puntland ay markiiba magacowday guddi hawshaasi ka shaqeeya haatanna gacanta lagu hayo.

Guddoomiyaha ayaa shacabka Puntland ee gudaha iyo debadda jooga ugu baaqay, in ay dowladda kala qeyb-qaataan dib u-dayac-tirka iyo dhismaha laamiga oo sida uu sheegay ilaa 80km in ka badan ay boholo noqdeen.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo sheegay in uu socdo gurmad lagu dayac-tirayo laamiga Garoowe iyo Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this