Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo kulan deg deg ah isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa kulan deg deg ah iskuugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kadib qoraal kasoo baxay xafiiska Xaaf.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Xaaf uu doonayo inuu iskuugu yeero dhamaan madaxda maamulada, si ay kaga wada hadlaan xaalada dalka, sida qoraalka lagu sheegay.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xaaf, ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay ku fashilantay dhamaan waxyaabaha loo igmaday, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, taasi badalkeedana ay ku mashquushay duminta maamulada.

Kulankaan ayaa ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana sidoo kale beesha Caalamka ay ugu baaqday in ay il gaar ah ku heyso Xaaladda Soomaaliya.

Maamulka Galmudug ayaa eedeyn adag u jeediyay dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay duulaan kusoo qaadeen maamulka Galmudug ayna ka jarteen dhaqaalihii loogu tala galay.

Galmudug iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya Khilaaf xooggan oo sababay in ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this