Sign in to follow this  
Deeq A.

Gen. Muxiyadiin oo sheegay in meheradaha Boosaaso u kiraysan yihiin burcad-diimeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, oo saaka hadal ka jeediyay goob lagu tukaday salaadda Ciidda, ayaa ku dhaliilay bulshada Boosaaso in aysan la shaqeyn laamaha amniga magaalada.

Taliyaha ayaa digniin adag u jeediyay, dad uu sheegay in ay guryahooda ku hayaan kooxaha amnni-darrada iyo dhibaatada ka wada magaalada Boosaaso, isagoo ku hanjabay in dowladdu la wareegayso guryaha lagu qabto kooxahaasi.

Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse,  ayaa  ka sheekeeyay Qiso naxdin leh oo sida uu sheegay maalmo ka hor ka dhacday magaalada Boosaaso, kadib markii koox hubaysan ay masjid ku dhex dileen nin 70 jir ah oo Qur’aan akhrisanayey.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in meheradaha Boosaaso badankoodu u kiraysan yihiin burcad-diimeed islamarkaana tallaabo adag laga qaadi doono.

Hoos ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Gen. Muxiyadiin oo sheegay in meheradaha Boosaaso u kiraysan yihiin burcad-diimeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this