Deeq A. Posted June 4, 2019 Nairobi (SMN) – Cali Gacal Casir guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga u diray shacabka maamulkaasi iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Guddoomiye Casir oo la hadlayay Shabelle ayaa u rajeeyay dhammaan dadka Soomaaliyeed in sanadkan kiisa xiga uu alle ku gaarsiiyio nabad iyo barwaaqo. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay is cafiyaan, islamarkaana ay is caawiyaan, si loo gaaro hormar iyo xasilooni waarta. Maalinta koowaad ee Ciida ayaa maanta si weyn looga dabaal dagayaa dalal badan oo ay ka mid tahay Soomaali, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isugu hambalyeynayaan munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fidriga. View the full article Share this post Link to post Share on other sites