Deeq A. Posted June 4, 2019 Muqdisho (SM N) – Dharkenley ayaa sanadkan noqotay horyaalka degmooyinka G/Banaadir, kadib markii ay xalay qaaday koobka tartan aqooneedka Shabelle. Tartamaayaasha Dharkenley ayaa tan iyo intii uu socday tartanka Bisha Ramadaan muujiyay dadaal xoogan, waxaana ay xalay ay gaareen guul taariikhi ah. Waxa ay wareega finalka isugu soo soo hareen degmada Xamarweyne oo iyana muujisay juhdi iyo dada dheeraad ah, hayeeshii waxaa koobka qaaday Dharkenley oo la timid 10 dhibcood, halka Xamarweyne ay keensatay 4 Buundo. Kaalinta koowaad waxaa sidaasi ugu soo baxay degmada Dharkenley, halka labaad ay gashay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Dhinaca kale waxaa kaalinta saddexaad xalay ku soo baxday degmada Howlwadaag oo guul ka gaartay dhiggeeda degmada Shibis ee gobolka Banaadir. Waxaana sanadkan tartanka taaba galinayay Shirkadaha Beco iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu ahaa Adult Commercial Secondry School. View the full article Share this post Link to post Share on other sites