Sign in to follow this  
Deeq A.

Amarkii Saadaq Joon oo dhaqan galay & ciidamado lagu daadiyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa ku daadisay magaalada Muqdisho, iyadoo maanta ay tahay maalinta Koowaad ee munaasabadda Ciida.

Waxaa muuqata inuu dhaqan galay amarka taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir Saadaq Joon kaasi oo ahaa in la adkeeyo amaanka magaalada Muqdisho, inta lagu gudo jiro musaanabadda ciida.

Waxaa amarkaasi dhaqan geliyay guddoomiyaha gobolka Banaadir, guddoomiyaasha degmooyinka, taliyaasha saldhigyada magaalada Muqdisho iyo saraakiisha ciidamada, iyadoo la doonayo in amaanka la xaqiijiyo.

Xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho, iygoysyada iyo xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa la dhigay ciidamadii ugu badnaa oo afka u duuban yahay, iyadoo loogu talo galay inay amaanka xaqiijiyaan.

Saraakiisha ciidamada ayaa xiray waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, waxaana gaadiidka dadweynaha loo diidayaa meelaha qaar, balse shacabka ayaa loo ogol yahay inay lugeeyaan.

Balse waxaa furan waddooyin kale oo Muqdisho ku yaala kuwaasi oo gaadiidka dadweynaha loo ogol yahay inay adeegsadaan.

Iyadoo ciida loo dabaal dagayo ayaa dowladda Soomaaliya waxay dooneysaa inay adkeyso amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo laga baqayo inay Al Shabaab weeraro ka geystaan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this