Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Militariga Suudaan oo ku dhawaaqay doorasho guud

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxa golaha ku meel gaarka ah ee Militariga maamula waddanka Suudaan Abdel Fatttah al-Burhan ayaa saaka oo talaada ku dhawaaqay in doorashooyin guud dalka laga qabanayo mudda 9 bilood gudaheeda kadib mudaharaadyo dhiig ku daaatay oo shalay ka dhacay dalkaasi.

Gen al-Burhan ayaa sheegay in la laalay heshiisyadii dhexmaray isbaheysiga la baxay Xorriyadda iyo Isbeddelka ee ay ku midaysan yihiin Mucaaradka iyo golaha Militariga Suudaan islamarkaana la joojiyay wada-xaajoodkii u dhexeeyay labada dhinac kadib markii uu Mucaaradka ku eedeeyay in ay doonayaan xukun-maroorsi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in la dhisayo xukuumad shaqada sii wadda oo diyaarisa doorashooyin guud oo la qabto mudda 9 bilood gudaheeda isagoo beeniyay in golaha Militarigu ay isku dhejinayan xukunka.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay iyadoo Isniintii  shalay ay in ka badan 30 ruux ku dhinteen kadib markii ciidamada Amniga Suudaan ay xoog ku kala cayriyeen dibad-baxayaal dalbanayey in golaha Militarigu ay qabtaan doorashooyin.

PUNTLAND POST

The post Golaha Militariga Suudaan oo ku dhawaaqay doorasho guud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this