Deeq A. Posted June 4, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa soo saaray amar saameynaya Taliyeyaasha Saldhigyada Degmooyinka, Saraakiisha maamusha Kontoroolada Magaalada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir. Saadaq Joon ayaa amray ku siiyay Taliyeyaasha Saldhigyada Degmooyinka inay heegan buuxa galaan inta lagu guda jiro maalmaha farxada ee Ciidul Fidriga, sidoo wuxuu Saadaq Joon amar ku siiyay Saraakiisha maamusha baraha Kontorool ee caadiga ah iyo kuwa guur guura inay adkeeyaan ammaanka, islamarkaana si miirqab leh u baaraan Gaadiidka raaxada ah. Guuddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo fulinaya amarka Taliye Saadaq Joon ayaa dhankiisa Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ku amray inay kordhiyaan shaqada dhanka amniga ah maalmaha lagu guda jiro Munaasabadda Ciidul Fidriga, iyaga oo kaashanaya Guddoomiye kuxigeenada iyo Waaxeedyada. Guddoomiye Waaxeedyada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu amray inay sameeyaan kormeer dhanka amniga ah, islamarkaana soo gudbiyaan goobaha amni darada lagu abaabulayo iyo hadii ay dareemaan falal lidi ku amniga. Sababta sidan loo sameynayo ayaa lagu sheegay inay tahay baqdin ku aadan in maalmaha ciida la ilaaliyo inay dhacaan falal lid ku ah ammaanka ama ay weeraro laga fuliyo goobaha ay isugu imaanayaan shacabka u dabaal dagaya Munaasabadda Ciidul Fidriga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites