Deeq A. Posted June 4, 2019 Guud ahaan Soomaaliya ayaa saaka laga ciidayaa marka laga reebo qeyba kamid ah Galmudug kadib markii xalay dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ay shaaciyeen in ay Ciid tahay. Wasaaradda awqaafta iyo Diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay sheegtay in meelo badan oo ka mid ah Gobollada dalka, gaar ahaan degaanno hoostaga Gobollada Baay, Shabeelaha Hoose, iyo Shabeelaha Dhexe laga arkay bisha Shawaal. U qeybsanaha dhanka Diinta ee Wasaaradda Awqaafta Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay u caddeynayaan in ay ciid tahay kaddib xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen culimaa’udiinka. Sidoo kale Puntland, Jubaland, Hirshabeelle iyo Somaliland ayaa dhammaantood xalay ku dhawaaqay in ay Ciid tahay iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalmaha farxadda leh ee Ciida-Al-fidriga. Dhinaca kale inta badan dunida Carabta iyo Muslimka ayaa maanta u dabbaal-degaya munaasabadda Ciid-Alfdriga marka laga reebo qaar kamid ah waddamada Asiya oo laga soomanyahay kadib markii ay sheegeen in aysan arag bishii Shawaal. PUNTLAND POST The post Qeyba kamid ah Soomaaliya oo aan maanta laga Ciidin appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites