Sign in to follow this  
Deeq A.

Nasiibdarada qaranka maanta haysata waa xukuumad iyo xisbigeedii oo leh “waxba dhawran maynee Allow dhagaxyo soo daadi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nasiibdarada qaranka maanta haysata waa xukuumad iyo xisbigeedii oo leh “waxba dhawran maynee Allow dhagaxyo soo daadi “.

“Xadhiga xildhibaan Dhakool waxa uu u muuqanayaa Isaaq ma tihid “. Sidaasi waxa yidhi gudoomiyaha ururka la baxay madasha wadatashiga Mujaahid Xassan Guure oo ay si wada jir ah shirjaraa’id Hargeysa ay ugu wada qabteen laba xubnoo oo ka mid ahaa 7 mujaahid ee aasaasay ururkii SNM ee dagaalka kala hortagay mid ka mid ahayd dawladihii Afrika ugu awooda badnaa.
Xubnahan oo indhawyd bulshadu ay baafinaysay,kadib markii ay afka xidheen tiiyoo uu dalku wadadii saxa ahayd ka baydhay, ayay soo kicisay dulmiga isdaba jooga ah ee ay ku kacayso xukuumadda Muuse Biixi.
Sida ay xubnahani sheegeen waxa dalkii uu qaaday nidaam is indho tir ah oo ka duwanayn ficiladii lagula dagaalamaayay kelitaliyihii Siyaad Bare.
Professor Cabdisalaan Yaasiin, ayaa dhinaciisa sheegay in qaabkan ay xukuumaddu wax u xidhxidhayso marka la eego uu noqonaayo in halgankii SNM aanu xalaal ahayn, waxana isagoo arrintaa ka hadlaya uu yidhi “marka la eego qaabkan ay xukuumaddu u xidhxishayso saxaafiyiinta,siyaasiyiinta, Abwanada iyo qaar xisbiyada ka mid ahi waxay noqonaysaa sidii Cali Guray yidhi ee ahayd ‘in halgankii SNM aanu xalaal ahayn ‘.”
Xubnahani waxa kale oo ay ka dayriyeen sida uu dalka ku maamulaayo Madaxweynaha waxaanay barbardhigeen xukuumadda Muuse tii ka horeysay ee Siilaanyo “marka la eego waxa jirta in xukuumaddii hore ay dalka u dhaantay oo ay noqotay sida mar walba la caadaystay, malaha tii horaaba la qaatay, taasaaba shacabka loo qaatay ” ayuu raaciyay mujaahid Xassan Guure.
Maaha xubnahan oo keliya kuwa ka anfariirsan qaabka ay xukuumadda Muuse iyo xisbigeeda isku indhatirayaan ee ay hoga madow ugu shalwinayaan wax alle iyo wixii qarankan suurto geliyay ee ay ka mid tahay xorriyatul qawlka, doorashooyinka,isku duubnida bulshada iyo ilaalinta sharciga ee waxaa sidaasi oo kale afka gacanta saaray ururada bulshada, sida dalada guud ee SONSAF,ururada xuquuqul insaanka,kuwa xirfad -layaasha,sida kuwa garyaqaanada, saxaafiyiinta iyo xisbiyada mucaaridka ah.
“Masuuliyada in dalka ay doorasho ka qabsoobto ma aha mid la wada lee yahay ee waa mid sida dastuurku qabo u gaar ah xukuumadda “, sidaa waxa shir jaraa’id uu qabtay ku yidhi gudoomiyaha ururada aan dawliga ahayn Mr. Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo si weyn uga biyo diiday qaabka xirfadaysan ee ay xukuumadda iyo xisbigeeda meesha uga saarayaan doorashada golaha wakiilada iyo deegaankaba.
Ururada xuquuqul insaanka,kan garyaqanada, maxkamada Gobolka Maroodijeex iyo guddida joogtada ah ee golaha wakiilada ayaa dhamaantood ganafka ku dhuftay sharci ahaanshaha xadhiga xildhibaan Dhakool, kuwaasi oo isku raacay in ay xukuumaddu ku kacday sharci jebin, haseyeeshee gudoomiyaha 2aad ee xisbiga tallada dalka haya ayaa saaka waraysi gaar ah oo uu siiyay TVga bulsho ,isagu dib ula yaabay hay’adaha sharciga, sida Garsoorka Xeerdejinta, ururada xuquuqul insaanka iyo Garyaqaanada oo uu sheegay inuu aad ula yaaban yahay shacbiga leh xildhibaanku xasaanad ayuu Lee yahay,waxana isagoo arrintaa ka hadlaya Axmed Cabdi Dheere ood arkayso inuu kelifan yahay uu yidhi ” anigu waxaan aad ula yaabaa shacabkeena kala garan waayay xaasanada iyo xasaanad la’aanta “.
Mr.Axmed waxa uu intaa raaciyay oo uu yidhi “xildhibaanku waxa uu xasaanada iska qaaday markii uu ka horyimid 18 may”, isagoo gudoomiye Axmed Cabdi Dheere ku sheegay in 18 may ay tahay tan siisay xasaanada xildhibaanka.
Marka qododbadaasi oo idil la eego waxa xaqiiq ah in xukuumadda maanta joogta ay tahay mid hal nin oo isku qanacsani uu dalka siduu doono ka yeelaayo, kaasi oo ragga ku xeerana ay laba mid uun noqonayaa, kuwo aan isaga waxba ka duwanayn oo ku dacadiga bulshada guul iyo farxad u arka iyo kuwo aan lahayn kartidii ay runta ugu sheegi lahaayeen.
Si kastaba xaalku ha noqdee waxaad Moodaa Muuse,xukuumaddiisa iyo xisbigiisuba inaanay dheg u lahayn halista dhinac walba leh ee uu dalkii wajahaayo oo aanay waxba dhawranayn, waxaase sheegi doonta taariikhda dhaw.

Musfafe Ciise (Mustafe Shiine)

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this