Deeq A. Posted June 3, 2019 Wasiir wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta dowladda federalka ee Soomaaliya Shiikh Nuur Maxamed Xuseen,ayaa sheegay in maalinimada Barri oo Talaada ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, sanadka 1440 Hijriya. Wasiirka ayaa xusay inay bilashada Bisha Shawaal laga arkay gudaha dalka gaar ahaan gobalada Shabellaha hoose,Shabellaha dhexe iyo waliba deegaano dhaca Jubbada hoose. Sidoo kale wasiirka waxa ayaa sheegay in deegaanda bisha laga arkay ay ka mid yihiin Wanlaweyn iyo Afgooye oo Shabeelaha hoose aha iyo waliba deegaano hoos yimaada magaalada Jowhar ee gobalka Shabeellaha dhexe ah. Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in ay jiran deegaano hoos taga Kismaayo oo Jubbada hoose ah in laga arkay bilashada bisha Shawaal,sidaa darteedna ay maalinta barri tahay maalino Ciida ah sida uu sheegay wasiirka wasaaradda Owqaafta Shiikh Nuur Maxamed Xuseen. Halkaan ka aqriso qoraalka Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites