Deeq A. Posted June 3, 2019 Dowladda Sacuudiga ayaa daqiiqado ka hor si rasmi ah ugu dhawaaqday in Maalinta Berri ah ay tahay Kowda Bisha Shawaal. Wasiirka Awqaafta Iyo Arrimaha diinta Sacuudiga Sultan Bin Saeed Al Badi ayaa sheegay in Maanta ay tahay Maalintii ugu dambeysay Bisha Ramadan Berrina ah tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Shawaal. Go,aankaan oo kasoo baxay maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ayaa yimid kadib markii guddiga ay Dowladda u xir saartay raadinta Bisha Shawaal ay soo sheegeyn inay Bisha arkeyn. Waxaa jiro wadamo kale oo Islaam ah oo looga dhawaaqay in Ciidda ay tahay Maalinta Arbacada ah waxaana wadamadaas hormuud u ah Malaysia iyo Indonosia, waxaana muuqato in dowladaha Islaamka ay isku khilaafeen dhalashada Bisha Shawaal. Illaa hadda go,aan kama soo bixin dowladda Soomaaliya inkastoo la aaminsan yahay in go,aanka Dowladda uu ku xiran yahay kan Sacuudiga. Wararka qaar ayaa sheegaya in wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya ay saacadaha soo socdo ku dhawaaqi doonto in Berri ay tahay Ciid inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Wixii soo kordha kala soco Caasimadda Online Share this post Link to post Share on other sites