Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA oo gubtay alaab ganacsi oo ka timid Somalia iyo xiisadda oo kasii daraysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandheera (Caasimada Online) – Dowladda Kenay ayaa qaaday tallaabo kale oo sii xumeyn karto xiriirka kala dhaxeeyo Soomaaliya oo muddooyinkii dambe ku taagnaa hal lug.

Dowladda Kenya ayaa dab qabadsiisay Alaab iyo Raashin ku fadhiyey 55 Kun oo Dollar oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed sida ay xaqiijiyeen Odayaasha dhaqanka ee ku nool Magaalada Mandere.

Alaabtaan ayaa ganacsi ahaan looga keenay dalka Soomaaliya waxaana is hor istaag ku sameeyey Ciidamada Dowladda Kenya oo ugu dambeyn gubay hantidaas ay lahaayeen dad Soomaaliyeed.

Odayaasha Mandheere ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay joojisay in Badeeco laga soo gudbiyo Xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya tan iyo markii la afduubtay Dhakhaatiirtii u dhashay dalka Cuba.

Badeecada ay gubtay Dowladda Kenya ayaa ah kuwa ay qabteen tan iyo markii ay dhalatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana meeshaas ka cad in aruurinta alaabtaas ay ka horeysay amarkii dowladda Kenya kasoo baxay ee ahaa inaan Kenya lasoo gelin karin alaab ka timid Soomaaliya oo uusan la socon qofkii lahaa.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay xayiraad saareen Goobaha ay Soomaalida kasoo saaran jireen Dhagxaanta,taasina ay saameyn ku yeelatay fursadihii shaqo ee la heli jiray.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu aad usoo xumaanayo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya kadib markii ay Kenya qaaday tallaabooyin muujinayo inay dooneyso sidii ay isaga hor imaan lahaayeen Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Soomaaliya aysan illaa iyo hadda qaadin  wax talaabo ah oo ku wajahan falalka isa soo taraya ee ay Kenya ku cadaadineyso, xili laga digay go’aanno kale.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this