Deeq A. Posted June 3, 2019 Baardheere (SMN) – Cabdicasiis Cali Cumar taliye ku xigeenka qeybta 49-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay Howgla Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ka sameeyeeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Taliyaha ayaa sheegay in howlgalkan ay kula wareegeen tuulooyinka Cali Xareed iyo Juungal oo hoostaga degmada Baardheere ee gobolkaasi. Sidoo kale taliye ku xigeenka qeybta 49-aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in iska hor imaad ka dhacay halkaasi ay ku dileen labo ka tuirsanaa Al Shabaab, sidoo kalena ay ku dhaawaceen saddex kale, sida uu hadalka u dhigay. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada DFS, kuwa Jubbaland iyo AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobolka Gedo ee Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites