Deeq A. Posted June 3, 2019 Dhuusomareeb (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal Beeled maanta dib uga qarxay deegaanka Taaragaduud oo qiyaastii 20 Km u jira magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa lix Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalka Beeleedkaasi. Xaaladdd ayaa hadda kacan, waxaana goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiya Maleeshiyaadka labada dhinac. View the full article Share this post Link to post Share on other sites