Deeq A. Posted June 3, 2019 Muqdishio (SMN) – Waxaa maanta Suuqyada waa weyn magaalada Muqdisho si aad ah looga dareemayaa mashquul xoogan oo ku aadan u diyaar garowga iyo dabaal daga maalmaha Ciidul Fidriga. Suuqyada haatan ugu mashquulka badan ayaa waxaa ka mid ah Bakaaraha, Suuq Bacaad, Xamarweyne iyo kuwa kale ee laga dukaameysto. Dadka ayaa si aad ah u adeeganaya, waxaa Suuqyada ku arkeysaa Waalidiin Carurtooda u adeegaya, si ay uga qeyb qaataan damaasha Ciida. Maxamed Salaad oo ka mid ah ganacsatada Suuqa Xamarweyne ayaa ka warbixiyay, sida ay sanadkan ugu diyaar garoobeen Ciidul Fidriga. Dhiniciisa Cabdi Faarax Nuur oo Xamarweyne ku iibiya qalabka Caruurta ayaa Shabelle uga sheekeeyay wax ay soo kordhiyeen sanadkan. Sidoo kale meelaha laga dareemayo mashquulka ayaa waxaa ka mid ah goobaha lagu iibiyo mac macaanka iyo kuwa la’isku qurxiyo, sida timaha jaraha iyo goobaha Cilaan Saarka Dumarka. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/mu.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites