Sign in to follow this  
Deeq A.

“Soomaaliya Waxaa Loo Cadaadinayaa Xidhiidhka Ay Nala Leeyihiin….” Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in dalalka xayiraada ku saaray dalkiisa ay bilaabeen inay dalalka Gobolka cadaadis ku saaraan inay iyaga ka soo horjeestaan.

Qatar-FM-696x484.jpeg

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegay in dowladdiisa ka aamustay oo aanay taageerin go’aanadii ka soo baxay Shirarkii degdega ahaa ee ka dhacay Magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarama oo ay yeesheen Hoggaamiyeyaasha Carabta, Ururka Islaamka iyo Shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in go’aanada qaar ee shirka aan lagala tashan, sidaas darteed ay iyaga qeyb ka aheyn.

Waxaa uu shirkiisa ku soo hadal qaaday in Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ee xayiraada ku soo rogay dalkiisa ay cadaadis ku hayaan dalalka Gobolka, isagoo xusay in Soomaaliya loo cadaadinayo xidhiidhka ay Qatar la leedahay.

“Dalalka na saaray xayiraada waxay ku cadaadinayaan dalalka gobolka, inay anaga naga soo horjeedaan, sida Soomaaliya oo loo cadaadinayo xiriirka ay nala leedahay” ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay khilaafka Khaliijka, kaddib markii dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xidhiidhka u jareen Qatar, kuna eedeeyay inay taageerto Argagixisada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this