SOO MAAL Posted September 21, 2005 Shirkadda Jubba Airways Oo Bilowday Qabashada Baasaboorrada Xajka Ee Sannadkan. Warkii: Sep 21, 2005 Laascaanood(Radiossc.net):- Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways xafiiskeeda Magalaada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa bilaabay qabashada Baasaboorrada Xajka ee Sannadkan 2006 M-1426 H. Maamulka Xafiiska Diyaaradda Jubba Airways Max’ud Qudhac waxaa uu la socdsiinayaa dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada SSC ee Jecel in ay sannadkan soo gutaan waajibaadka Xajka in Shirkadda Jubba Airways ay bilowday qabasahada Baasaboorrada iyo Agabka kale oo looga baahan yahay Xujaajta. Max’ud oo u warramayey Radiossc.net ayaa sheegay in sannadka ay Shirkaddu dadweynaha SSC ee u socda Gudashada waajibaadka Xajka ay u diyaarisay adeegyo badan iyo fududayn, waxaa kale oo uu sheegay in ay sannadka ay ka tagi doonaan deegaanka SSC Culimo waaweyn iyo Isimo, kuwaasi oo dadka hoggaan u noqon doona inta ay ku jiraan gudashada Xajka. Shirkadda oo xafiisyo ku leh Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa sannadahii ugu danbeeyey waxa ay Xujaajtu aad ugu ammaanayeen hab dhaqanka maamulka Shirkadda iyo shaqaalaha diyaaraddaha oo dadka Xujuujta ah si wanaagsan oo hagar la’aan ah ugu adeega. Qofka Xaajiga ah waxaa looga baahan yahay Baasaboor, Afar Sawir, Buugg Caafimaad Warqad Meher, Xafiisyada Laascaanood iyo Buuhoodle waxaa lagala xidhiidhi karaa Quote Share this post Link to post Share on other sites