Sign in to follow this  
SOO MAAL

Shirkadda Jubba Airways Oo Bilowday Qabashada Baasaboorrada Xajka Ee Sannadkan.

Recommended Posts

SOO MAAL   

Shirkadda Jubba Airways Oo Bilowday Qabashada Baasaboorrada Xajka Ee Sannadkan.

Warkii: Sep 21, 2005

Laascaanood(Radiossc.net):- Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways xafiiskeeda Magalaada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa bilaabay qabashada Baasaboorrada Xajka ee Sannadkan 2006 M-1426 H.

 

Maamulka Xafiiska Diyaaradda Jubba Airways Max’ud Qudhac waxaa uu la socdsiinayaa dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada SSC ee Jecel in ay sannadkan soo gutaan waajibaadka Xajka in Shirkadda Jubba Airways ay bilowday qabasahada Baasaboorrada iyo Agabka kale oo looga baahan yahay Xujaajta.

 

Max’ud oo u warramayey Radiossc.net ayaa sheegay in sannadka ay Shirkaddu dadweynaha SSC ee u socda Gudashada waajibaadka Xajka ay u diyaarisay adeegyo badan iyo fududayn, waxaa kale oo uu sheegay in ay sannadka ay ka tagi doonaan deegaanka SSC Culimo waaweyn iyo Isimo, kuwaasi oo dadka hoggaan u noqon doona inta ay ku jiraan gudashada Xajka.

 

Shirkadda oo xafiisyo ku leh Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa sannadahii ugu danbeeyey waxa ay Xujaajtu aad ugu ammaanayeen hab dhaqanka maamulka Shirkadda iyo shaqaalaha diyaaraddaha oo dadka Xujuujta ah si wanaagsan oo hagar la’aan ah ugu adeega.

 

 

Qofka Xaajiga ah waxaa looga baahan yahay Baasaboor, Afar Sawir, Buugg Caafimaad Warqad Meher, Xafiisyada Laascaanood iyo Buuhoodle waxaa lagala xidhiidhi karaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this