Deeq A. Posted June 3, 2019 Muqdisho (SMN) – Wareega Sama-Finalka ee tartan aqooneedka Shabelle oo xalay la qabtay ayaa waxaa ku loolamay demgooyinka Howlwadaag, Xamarweyne, Dharkenley iyo Shibis oo ka wada tirsan gobolkan Banaadir. Kulanka ugu horreeya ayaa waxaa isaga horyimid Howlwadaag iyo Xamaraweyne, waxaana ay soo bandhigeen tartan aad u qiimo badan. Howlwadaag oo la weydiiyay 7 Su’aal waxa ay ka jawaabtay 4 ka mid ah, sidoo kale waxa ay ka faa’iideysatay labo kale, sidaasina, waxa ay ku heshay 12 buundo. Degmada Xamarweyne oo iyana la weydiiyay 7 su’aal ayaa waxa ay ka jawaab celiyeen tartamayaasheeda 4 ka mid ah, sidoo kale waxa ay ka fa’iideysteen 3 kale, waxaana ay keensadeen dhibco gaaraya 14, sidaasina waxa ay ugu gudubtay wareega kama dambeysta ee tartanka, sida uu ku dhawaaqay natiijada guddoomiyaha guddiga tartanka Shabakadda Warbaahinta Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale. Dhinaca kale waxaa isla xalay la qabtay tartan kale oo xiiso badan oo dhexmaray degmooyinka Dharkenley iyo Shibis ee gobolka Banaadir. Degmooyinkan uu dambeeyay wareega Sama-Finalka ayaa muujiyay dadaal xoogan, hayeeshee waxa ay guusha raacday degmada Dharkenley ee M/ Muqdisho. Dharkenley ayaa la timid 18 dhicood oo ay ugu gudubtay wareega Finalka ee tartanka Sanadlaha ah ee Idaacadda Shabelle, halka Shibis ay keensatay 8 buundo Tartanka bisha Ramadaan oo maraya heerkii ugu dambeeyay waxa caawa Finalka isku beegan degmooyinka Xamarweyne iyo Dharkenley, halka kaalinta 3-aad ay isla caawa u tartami doonaan degmooyinka Howlwadaag iyo Shibis ee gobolka Banaadir. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca-Cola. Halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Comercial Secondry School View the full article Share this post Link to post Share on other sites