Sign in to follow this  
Deeq A.

‘Heshiiska ay Soomaaliya ka baxday’ ee ka carraysiiyey Kenya iyo jawaabta Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska The Standard ee kasoo baxay Nairobi ayaa qoray in dowladda Kenya ay carootay ballan ay ka baxday dowladda Soomaaliya oo ahayd “inay dib u eegto” ficillada shirkadaha caalamiga ah ee daneynaya shidaalka Soomaaliya, taasina ay sabab u tahay inay kasii darto xiisadda ka dhaxeysa labada dal.

Sida ku cad qoraalka, kulankii April 3 Nairobi ku dhex maraya wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma iyo dhiggeeda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise, Cawad ayaa ballan-qaaday inay dib u eegi doonaan ficillada shirkadda Spectrum Geo ee abaabushay shirkii February 7 ka dhacay London ee shidaalka Soomaaliya.

Kenya ayaa Soomaaliya ka dalbatay in Spectrum Geo oo laga leeyahay dalka Norway ay ka laabato khariidad lagu soo bandhigay shirka oo muujineysay goobaha shidaalka Soomaaliya laga sahminayo, taasi oo Kenya ay aad u dhibsatay. Kenya ayaa ku dooday in xirmooyinka shidaalka ee la iib geeyey qaarkood ay ku yaallaan dhul badeedka lagu muransan yahay.

Qodobkan ayaa ka mid ahaa shan qodob oo ay Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen, ayada oo qodobada kale ay ka mid ahaayeen, in safiirada la isku soo celiyo, dib loo billaabo xiriirka, iyo in Soomaaliya ay kooxda Al-Shabaab ku darto liiska qaraarka QM ee 1267, kaasi oo dhigaya in la hakiyo hantida, la saaro xayiraad socdaal iyo mid hub shaqsiyaadka iyo hay’adaha lala xiriirnayo inay xiriir la leeyahay Al-Qaacida.

Hase yeeshee qoraal uu wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad u diray Kenya ayuu shaki ku geliyey qaabka Kenya ay u dhigtay heshiiska, isaga oo yiri “Dowladda Soomaaliya waxay dib u eegi doontaa ficillada shirkadda Spectrum, si ay ugu xaqiijiso Kenya, haddii ay jiraan khariidad qalad ah oo la adeegsaday oo aan waafaqsaneyn mowqifka dowladda Soomaaliya.”

Hadalka Cawad ayaa nuxurkiisa yahay in Soomaaliya ay rumeysan tahay in khariidadda lagu soo bandhigay shirka London aysan ku jirin dhul-badeedka lagu muransan yahay, sidaas darteed aysan jirin wax dib loo eego, taasi oo macnaheedu yahay in mowqifka dowladda Soomaaliya iyo khariidadda ay soo bandhigtay Spectrum ay is-waafaqsan yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale diiday in Al-Shabaab ay ku darto liiska qaraarka QM ee 1267 ayada oo ka cabsi qabta in tani loo adeegsan karto shirkadaha Soomaalida sida xawaaladaha, si lagula wareego lacagtooda.

Labadan qodob ee la xiriira Al-Shabaab iyo Spectrum, oo Kenya ay rumeysan tahay inay kula heshiisay Soomaaliya balse aan la fulin, ayaa ah sababta Kenya ay toddobaadyadii dhowaa cadaadiska ugu kordhisay Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this