Sign in to follow this  
Deeq A.

Hormuud Foundation oo lacag u qeybisay qoysas ka tirsan jaaliyadda Yeman

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa maanta deeq lacageeg u qeybisay 300 oo qoys oo katirsan Jaaliyadda Yaman ee ku nool magaalada Muqdisho.

Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Hotelka Shaamow ayaa 300 oo qoys oo dan yar waxaa lagu guddoonsiiyey lacag dhan $100 (Dollar) qoys kasta.

Madasha lagu qeybinayay Deeqdan ayaa waxaa ku sugnaa Madax ka tirsan Shirkadda Hormuud iyo Hay’adda Hormuud Foundation oo deeqda Qeybinayay Dadka la siinayay Deeqdan iyo Marti kale.

Cabdi Cali Maxamed oo ku hadlayay Magaca Shirkadda Hormuud ayaa sheegay in talaabada qeybinta deeqdan ay tahay mid lagu Caawinayo Dadka nugul ee baahiyaha qaba kuwasi oo ku nool muqdisho iyo gobolada Dalka.

Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ah Maamulaha Guud ee Hay’adda Hormuud Foundation ayaa sheegay in Hay’adda Hormuud Foundation mar walba u taagan tahay sidii ay u caawin lahayd dadka noocan oo kale ah.

Sidoo kale Maamulaha ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay howlaha Hay’adda ay ka wado muqdisho iyadoo sidan oo kale ay sanad walba shirkadda u qabato barnaamijyada Caawinaada dadka tabaaleysa.

Ibraahim Saalax Deefullah oo ka mid ahaa Baarlamaankii hore ee Soomaaliya oo isu keenida dadka door ku lahaa ayaa madaxda Hay’adda Hormuud ku tilmaamay in ay ilgaar ah u leedahay Dadka cawinaada u baahan ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Dadka Maanta la siiyay Deeqdan dhaqaale ayaa u mahad celiyay Madaxda Hay’adda hormuud iyagoo tilmaamay in qeybinta deeqdan lagu soo beegay xili ay dadkan u baahnayeen Madaama Diyaargarowga ciida ku guda jiraan,

Sanad walba sidan oo kale ayaa Hay’adda Hormuud Foundation waxay deeqaha Caawinaada Gar gaarka ay sidan oo kale uga fulisa Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo Qaar ka mid ah Gobolada Dalka.

61546652_2553839804661914_23198444866345 61768424_2553839764661918_10138424620382 61727152_2553839724661922_59722529611144 61703390_2553839671328594_10302247944501 61732678_2553839634661931_13295948468888 61532287_2553839607995267_41540515665018 61645033_2553839424661952_64217055389957 61795839_2553839421328619_34697369698508

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this