Deeq A. Posted June 2, 2019 image.png Dhakool hayska xidhnaado Xabsi hayska dhex jiifo Xayraankii ina Biixi Xeradiisa dhexdeeda Haku xaadir ahaado Waa xisaabo kaleeto Iyo xeelado aasan Waa xumaan la maleegay Xinna waa weheshaaba Adigoo Xaraf jooga Xuurto weeye ku hayso Waa xiniinyo u sheego Xididkiisiyo qoyska Yaanay booqan xigaalo Waa mid uu xisku diiday Iyo xoog iyo waalli Anigoon is xigsiinnin Xil uun baa i damqaayee Xiska maankiyo laabta Xubbi daa hadalkiisee Xaaddu iima dareemin Xabiibkii na abuurtiyo Allaa xaajo ogsoone Sida ay xantu sheegtay Inkastuu xumo geystay Xawda uu dad ka gooyey Waxan loo xakameeyey Xaakimkii siduu naadshay Xeerkii meesha u yaalliyo Xurmadii sharcigooda Tii xasaanaddu siisay Xadkoodii lama qaadin Waxna loomaba xeerin Xaaraan weeyiyo baadil Xukun duudsiya weeye Anigoon xaglinaynin Xaq uun baa i dhibaayee Xinjiri iima dubaaxin Waase xaajo adduunyo By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites