Sign in to follow this  
Deeq A.

Kusimaha Madxweynaha oo Ka Qayb Galay Xaflad Lagu Ciidsiinayey Caruurta Agoonta Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qaybgalay Xaflad lagu Ciidsiinayey Caruurta Agoonta ah oo tiradoodu ay gaaraysay 150 caruur ah, taas oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinyaro samafalayaal ah, waxaana qayb ka ahaa shacabka oo ay la wadaageen.

Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa ku wehlinyay xafladdan Wasiirka Caddaalada iyo Arimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud, Xildhibaan Cabdiqani Abshir Surato, Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamc Yuusuf Jaamac Dabaraani, dhalinyarada howshaan soo agaasimey iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadin iyo ammaan u jeediyay dhallinyaradii kasoo shaqaysay barnaamijkan Khayriga ah ee lagu soo bandhigayay Ciidsiinta 150 kamida Caruurta Agoonta ah, waxaana uu sheegay inay mudan tahay in lasii dar-dargeliyo oo la xoojiyo si looga farxiyo Caruurta Agoonta ah iyo kuwa kale ee aan haysan wax ay ku ciidaan.

Ugu dambayn, kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Karaash ayaa abaalmarino iyo shahaado sharaf guddoon siiyay dhallinyaradii barnaamijkan soo agaasintey, waxaana uu kula dar-daarmay inay halkaasi ka sii wadaan howshan muhiimka ah ee ay qabteen.

  • FB_IMG_1559494603452.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559494610059.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559494624145.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559494583880.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559494636022-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559494654124.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559494646992.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559494619248.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559494588430.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559494597011.jpg?w=1000&ssl=1
  • FB_IMG_1559494629468.jpg?w=1000&ssl=1

The post Kusimaha Madxweynaha oo Ka Qayb Galay Xaflad Lagu Ciidsiinayey Caruurta Agoonta Ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this