Sign in to follow this  
Deeq A.

Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Waddooyin ku Bur-buray Roobabkii ka Da’ay Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood. Daadadkii roobabka ayaa wadada gaarsiiyey bur-bur xoogan.

Deegaanada uu kormeeray Madaxweyne Ku-xigeenku waxaa ka kamid ah Buuro-wadal iyo dooxada Woow ee gobolka Sool, wadada waxaa soo gaadhay bur-bur xooggan oo aan laga fursanayn in si dhakhso ah waxlooga qabto, maadaama burburka wadadu ku fidaayo inteeda bedqabta.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka, Guddoomiyaha gobolka Sool, Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa korneerka kadib ka hadlay waxyeelada soo gaartay waddooyinka hal bowlaha ah ee dalka iyo sida ay muhiimka u tahay in laga wada qayb-qaato, waxa uu tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabandoono, marka ay yaraadaan daadadka socda, qiimaynta iyo ka warqabka wadooyinkana loo feejigan yahay.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa mar kale ku celiyay in shacabka Puntland looga baahan yahay inay ka qayb qaataan dhismaha iyo dayactirka waddooyinka bur-buray, sidii awalba ay uga qayb qaadan jireen.

  • 1-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-3.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-3.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-2.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Waddooyin ku Bur-buray Roobabkii ka Da’ay Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this