Deeq A. Posted June 2, 2019 Duqa Garoowe Axmed Siciid Muuse Duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay in roobabkii u dambeeyay ee ka da’ay Garoowe, ay biyo ku xireen guryo ku yaalla xaafadaha magaaalada, kadibna ay isku furmeen barkadihii iyo suuliyadii guryahaasi. Duqa ayaa ka digay in halis caafimaad ay ka dhalan karto, biyaha roobka ee ku xirmay xaafadaha Garoowe iyo xeryaha bara-kacayaasha ee nawaaxiga magaalada, waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay ilaaliyaan nadaafadda guryahooda iyo carruurtooda, si looga hortago cudurada ka dhalan kara biyaha wasakhaysan ee fadhiya xaafadaha. Sidoo kale, wuxuu sheegay in biyaha ku xannibmay xaafadaha iyo waddooyinka Garoowe, ay sabab u yihiin dadka dhisanaya iyo kuwa carra-kaawada ku goynaya, meelihii ay ka bixi jireen biyaha magaalada, sidaasi darteedna ay biyuhu ku xirmayaan xaafadaha. Waxaase uu sii raaciyay in ay bilaabi doonaan hawlgallo lagu banneynayo dhismayaasha iyo carra-kaawooyinka sida sharci-darrada u dhisan ee biyaha ku celiya magaalada, isagoo digniin u jeediyay dadka dhista meelaha biya-mareenka ah. PUNTLAND POST The post Duqa Garoowe oo ka digay halis ku soo wajahan magaalada appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites