Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: iska hor imaad Ciidamada DF iyo Ciidamo kale ku dhex maray Xaafadda Jaamacadaha ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar haan kuwa Afka u duuban ay weerar ku qaadeyn Xaafadda Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaas oo watay ilaa 8 Baabuur oo kuwa dagaalka ah ayaa damcay inay xoog ku galaan Xaafadda jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay Maalmahaan difaac kaga jireen ciidamo u abaabulan qaab qabiil oo diidan in dadka laga saaro Xaafadda Jaamacadaha oo ah dhul Dowladeed.

Ciidamada Dowladda ayaa dib uga soo laabtay halkaas kadib markii ay iska caabin xooggan kala kulmeyn Ciidamada Xaafadda jaamacadaha oo koryaha cul culus la fuulay dabaqayada ku yaal halkaas.

Illaa hadda lama soo sheegin khsaaraha ka dhashay weerarka ay Ciidamada Dowladda ku qaadeyn Jaamacadaha.

Ciidamadaan ayaa dib ugu laabtay halkii ay ka imaadeyn, waxaana Xaafadda Jaamacadaha soo buux dhaafiyey Ciidamo u abaabulan qaab Qabiil oo wato Baabuurta Dagaalka iyo Qoryaha sida darandooriga u dhaco.

Waxaa Xaafadaha Jaamacadaha ka bilowday qax, waxayna ciidamada halkaas joogo dadka ku wargeliyeen inay isaga tagaan inta ay ka dhamaaneyso Xiisadda dagaal ee halkaas ka taagan.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso kadib markii Dowladda Soomaaliya ayaa 7 Maalin u qabatay in looga guuro halkaas balse arrintaan waxaa ka hor imaaday dadka halkaas dagan oo u badan Ciidamo ka tirsan Dowladda.

Wixii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this