Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo gaaray Addis Ababa iyo Abiy Ahmed oo xal u raadinayo Khilaafka Somalia iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Wafddiga Madaxweyaha waxaa Garoonka diyaaradaha ee Adis ababa ku qaabilay Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed Cali.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa Xafiiska Ra’isalwasaaraha Itoobiya waxaa uu ka qeyb qaatay dhir lagu beerayay gudaha dhismaha Xafiiska Ra’isalwasaaraha.

War kooban oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in labad dhinac ay ka wada hadleen xiriirka labada dal,iskaashiga, dhaqaalaha iyo qodobo kale.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen xasillonida, amaanka iyo wada shaqeynta Gobolka.

Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa dhawaan sheegay in uu dhex dhexaadinayo dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo uu hadda u dhaxeeyo dagaal diblomaasiyadeed salkana ku haya muranka badda.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wareysi uu siiyay laanta Afka Amxaariga ee VOA waxaa uu ku sheegay inuu xal u raadinayo khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana uu kala kaashanayo dalalka Eritrea iyo Koofurta Sudan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid mar kale dhexda u galay qorshaha Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyadoo la xusuusto in bishii February ay wadajir ugu safreen magaalada Nairobi, xilligaasoo uu Abiy Ahmed uu dhex dhexaadiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, kaddib khilaafkii diblomaasiyadeed ee sababay in Safiirada labada dal ay dib ugu kala laabtaan dalalkooda.

Sanadkan gudihiisa Madaxweyne Farmaajo ayaa Addis Ababa u safray tiro saddex jeer ah, waxaana la xusuustaa in Madaxweynuhu xilligii Ololaha ku jiray in Madaxdii hore ku eedeyn jiray safarada dalka Itoobiya.

Far-631x420.jpg D8C7BRzXYAAPcnN.jpg D8C7BR6XUAAj3VU.jpg D8C7BR7XYAALiik.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this