Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaweynaha JFS oo la kulmay madax ka tirsan Malaysia

Recommended Posts

Deeq A.   

Makka (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qasriga uu ka dagganyahay magaalada Makkah waxa uu wada hadallo kula yeeshay R/Wasaare Ku Xigeenka Malaysia Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil.

Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo waxbarashada farsamada gacanta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale horay kulamo doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirro:

FB_IMG_1559409447225.jpgFB_IMG_1559409445021.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this