Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadahallo Cusub Oo U Bilaamaya Dawladda Mareykanka Iyo Kooxda Talibaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dowlada Mareykanka iyo kooxda Talibaan ayaa dib u bilaabi doono wadahadalo cusub bishaan kaasi oo lagu qaban doono magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

1559422033a80c2.jpg

Arrintaan ayaa waxaa xaqiijisay waaxda Arimaha dibeda Mareykanka.

Mareykanka ayaa sheegay in isfaham laga gaadho wadahadalada nabadeed ay soo afjari doonto colaada 17-dii sanno ee la soo dhaafay ka socda dalka Afghanistaan.

Zalmay Khalilzad, oo ah siyaasi rug cadaa ah ayaa dowlada Mareykanka u matali doona wadahadalkaan Markale.

Khalilzad ayaa ka ambabaxay Mareykanka waxaana 17-da maalin ee soo socota uu socdaal ku mari doonaa wadamada Afghanistan, Pakistan, Germany, Belgium iyo Imaaraadka sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay waaxda Arimaha Dibeda.

Siyaasigaan ayaa lix mar kulan la qaatay xubno ka tirsan Ururka Taalibaan waxaana ay ka wada hadleen amniga Afghanistaan.

Ururka Taalibaan ayaa doonaya in ciidanka Mareykanka ay iskaga baxaan dalka Afghanistaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this