Sign in to follow this  
Deeq A.

Ehelada Wariye Jamal Khashoggi Oo Wali Ka Sabri La Meydka Wiilkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Qoyska wariyihii Sacuudiga ee lagu dilay dalka Turkiga 2-dii bishii October ee sannadkii hore ayaa wali ka sabri la inay helaan Meydka Wiilkooda.

1559418778b3090.jpg

Allaha u Naxariisto Jamal Khashoggi ayaa maalintaa galay dhismaha Qunsuliyada ee Sacuudiga ee magaalada Istanbul si uu u soo qaato shahaado cadeyn u ah in ay kala tageen xaaskii Hore.

Iyadoo 2-da bishan June ay u gali doonto bishii sagaalaad markii la dilay wariyaha ayaa hadane xubno ka mid ah qoyskiisa sheegeen in meel uun loogu sheego meydka Jamal si ay ugu Sabraan.

Inkasta oo walaacaan bilo kadib uusan dhamaan ayaa hadane xukuumada Ankara qabtaa in aashito lagu burburiyay meydka Saxafigaan.

Mudo baadi goob loogu jiray raqda iyo ruuxda Saxafigaan ayaa ugu danbeyn dowlada Turkiga shaacisay in lagu dhexdilay dhismaha Qunsuliyada.

Wariyahaan oo ka howlgalayay majalada Washington Post ee dalka Mareykanka ayaa marar badan dhaliilay hanaanka siyaasadeed ee Boqortooyada Sacuudiga.

Qorshaha dilkaan oo Turkiga sheegay in ay ku lug lahaayeen 15 nin oo loo tababaray dilka Khashogi oo tagay Sacuudiga ayaa lagu tuhmayaa in uu amray dhaxal Suge Maxamed Bin Salmaan.

Balse dowlada Sacuudiga ayaa diiday eedaan waxaana ay sheegtay in dhowr iyo toban la tuhme ay u qabatay ayna Maxkamadeyn Doonto.

Turkiga ayaa diiday qorshaha dowlada Riyaad waxaana uu ka dalbaday hadii daacad uu yahay in uu ku soo wareejiyo ragga la tuhmayo si dalkiisa loogu Maxkamadeeyo.

Dadaalo ay galeen hey,adaha qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha iyo dowlada Turkiga oo lagu cadaadinayo Sacuudiga ayaa noqon waayay kuwa mira Dhala.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this