Deeq A. Posted June 2, 2019 Wasiir Dhabancad 7 April 2019 Waasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan dhabancad oo hadda warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa shaaciyay khasaaraaha ka dhashay roobab xooggan oo maalmahan ka da’ayay degaannada Puntland. Dhabancad ayaa sheegay in sagaal qof ku dhinteen daadad soo rogmaday iyo danabyo (biriq) ay tureen roobab mahiiggaana oo ka da’ay gobollada Nugaal iyo Sanaag saacadihii la soo dhaafay. Sidoo kale wuxuu sheegay in 100 qoys ay ku xoola beeleen roobabkaasi halka ay go’een ilaa 17 waddo oo ku yaalla gobollada Nugaal iyo Sanaag. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Puntland oo war ka soo saartay khasaaraha roobabka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites