Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Weerar xoogan oo ka dhacay Deegaanka GARAS-Baaleey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdish0 (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo waxyeelo kala duwan geystay.

Weerarka oo xalay dhacay ayaa la sheegay inuu daqiiqado  badan ka socday deegaanka, iyadoo ciidamada amaanka ee xarunta ku sugnaa iyo maleeshiyaadka ay ku dagaalameen bartamaha deegaanka.

Xarunta Degmada Garasbaaleey oo ku taala dhabarka dambe ee Jaamacadda Shabeelle ayaa weerarka lagu qaaday, waxaana kadib la sheegay in kooxaha weerarka geystay ay u baxsadeen dhanka deegaanka Ceelshada Biyaha.

Masuuliyiinta deegaanka ayaa sheegaya in weerarka uu geystay dhaawac soo gaaray mid kamid ah ilaalada xarunta deegaanka, iyadoo aysan shaacin dhanka kale waxyeelada gaartay.

Ciidamada ilaalada xarunta deegaanka Garasbaaleey ayaa gurmad ka helay ciidamada Asluubta, waxaana u suuro gashay inay meesha ka eryaan kooxaha weerarka ku qaaday xarunta deegaanka.

Ciidamada amaanka ayaa weerarka kadib xaafadaha Garasbaaleey ka bilaabay baaritaano ay amaanka ku xaqiijinayaan, iyadoo  aan la ogeyn sababta weerarka ka dambeysay.

Majiro cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Xarunta Maamulka deegaanka Garasbaaleey,hayeeshee waxaa inta badan weerarada noocaas oo kale ah fuliya Ururka Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this