Sign in to follow this  
Deeq A.

Farqiga u dhaxeeya DF iyo dowladda dalka Kenya ee adeegsiga warbaahinta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maalinba maalinta ka dambeysay waxaa sii xumanaya xiriirka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ay dowladda Kenya ay qaadaneyso go’aano lagu cadaadinayo Soomaaliya si uga tanaasusho muranka badda iyo dacwadda taallo Maxkamadda ICJ.

Kenya waxay qaadatay talaabooyin badan oo aan u wanaagsaneen diblomaasiyadda labada dal, waxayna dadka falanqeeya arimaha siyaaasadda ay ku tilmaameen go’aanada Kenya talaabooyin hor dhac oo ay xigi doonaan go’aano kale sida ka muuqata hab-dhaqanka Kenya.

Dowladda Kenya waxay bilaawday in ay barnaamijyo baraarujin iyo kicin dadweyne ah ay ka billaawdo warbaahinta dalkaasi, waxana dhowr Idaacadood iyo Tv-yo ku yaala dalkaasi laga sii daayay doodo mid ah oo ku saabsan muranka badda ee labada dal.

Sidoo kale Kenya waxay warbaahinta u furtay in ay toos ula xariiraan Wasaaradda Arimaha dibadda Kenya, si loo siiyo warbixino ku saabsan wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda laba dal. Waxyaabaha kale oo ay Kenya sameysay waxaa kamdi ah in muwaadiniinteeda ay lawadaagto xog iyo faah faahino dheeraad ah oo ku saabsan xiisadda dowladaha dariska ah.

Barnaamijyada ka baxay warbaahinta Kenya waxaa kamid ah su’aal dadweynaha Kenya la waydiiyay oo ah:-

  1. Hadii ICJ u go’aamiso Soomaaliya dul badeedka Kenya maxaa la gudboon muwaadiniinta Kenya ?
  2. Talaabo nuucee ah ayey kula tahay in dowladda Kenya ay qaado si loo difaaca xuduudaha dalka ?
  3. Miyeey sax tahay in Soomaaliya oo kumanaan qaxooti ah halkaan ka joogaan ay ku soo xadgduubto xuduudaha Kenya ? iyo barnaamijyo kale ayaa kamid ah barnaamijyada ay tabinayaan waxrbaahinta Kenya.

Kaliya ma ahaan in Soomaaliya ay dhibaatooyin iyo xadgudubyo kala kulmayso Kenya balse waxaa si lamid ah weerar qarsoon iyo mid banaanka yaalaba ku haaya dowladda itoobiya.

Laba jeer ayey oo todobaad gudihiis ayey Itoobiya u ku xadgudubtay Soomaaliya mar waxay ka dhigtay gobal hoos yimaada Itoobiya marna waxay sheegtay in Somaliland iyo Puntland ay dalal yihiin, waxayna dhamaantood ay ahaayeen ku xadgudubka midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay in Kenya iyo Itoobiyaha ay doonayaan in sidii Israel ay u gumeysato dhulka Falastiin ay u gumeestaan Soomaaliya islamarkaana ay ka aamusan yihiin Dowladda Soomaaliya, maamul gobaleedyada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

“Kenya iyo Itoobiya waxay doonayaan in sidii Israel ay u gumeysato Falastiin ay u gumeestaan Soomaaliya, dowladda iyo maamul gobaleedyadana waa ka aamusin yihiin dulmiga socda” ayuu yiri Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Iyadoo ay dowladda Kenya wado kicin dadweyne, warbaahinta dalkaasina ay ka dhigatay marin muwaadiniinta Kenya lagala hadlo. Sidoo kalane ay fur furtay xafiisyadeeda laga heli xogta xiisadda labada dal maxaa aamusiyay Soomaaliya?

Miyeysan aheyn in dowladda Soomaaliya aysan colaadsan warbaahinta maadaama arintu ay tahay qadiyad wayn oo qof kasta oo Soomaali ah taabaneyso? Mise tahay in dowladda ay xogta arintaan la wadaagto dadweynaha oo ay hadasho ? su’aalo arintaan ku saabsan ayey Caasimada Online weydiisay Prof Cali Saciid Maxamuud Kulane oo bare ka ah jaamacado ku yaala magaalada Muqdisho.

“Waxyaabaha la yaabka ah ee muuqda waxaa kamid ah in DF-ka ay colaadsatay warbaahintii oo ay aheyd in ay ka dhigato marin ay u adeegsato muranka Kenya oo laga baahiyo barnaamijyo wacyi gelin ah sida ay dowladda Kenya wado” ayuu yiri Professor Cali Saciid Maxamuud Kulane.

“Dowladda waa barnaamijkaan dadka u dareensiisaa in uu yahay qadiyad mucaarad iyo muxaafdna uu waajib ka saaran yahay laakiin dowladda waa isku koobtay arintaan balse waa qalad” ayuu Caasimada Online u sheegay Cali Saciid Maxamuud Kulane.

Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya bur bur iyo dagaalo sokeeyo waxay wajahayso dhibaatooyin badan oo uga imaanaya dowladaha dariska iyo kuwa kale oo doonaya kheyraadka Alle ku maneestay.

Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay aad uga liidato siyaasadda arimaha dibadda. Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxaa lagu eedeeyay in ay ku mashquulsan tahay cadaadiska in badan oo kamid ah shacabka Soomaaliyeed, ka guul gaaridda muranka kala dhaxeeya madaxda maamul gobaleedyada iyo xogta aysan muwaadiniinteeda la wadaagin.

Halka Kenya ay mucaarad iyo muxaafad u midoobeen islamarkaana dowladda ay garab ka dhigatay warbaahinta, siyaasiinta iyo qof kasta oo muwaadin kenyaan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this