Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Baro wasiirka kaliya ee aan Kheyre daacadda u ahayn kana amar qaadan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya waxay ka kooban yihiin ku dhowaad 70 Wasiir markii la isku daro Wasiirada, Wasiiru ku xigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha Xukuumadda Kheyrre oo marar badan lagu sameeyay isbadalo waa-wayn.

In badan oo kamid ah Wasiiradii xilka laga qaaday iyo kuwii is-casilay waxay xilalkooda ku waayeen diidmada in ay daacad u noqdaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wasiirada diiday in ay daacad (Nacamleeyaal) u noqdaan Xasan Cali Kheyre ee xilalka laga qaaday waxaa kamid ah Yuusuf Garaad Cumar, Cabdi Faarax Juxa, Khadra Axmed Ducaale, Cabdifitaax Ibraahim Geesey iyo Sheekh Daahir Maxamuud Geelle.

Hadda Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa ku jira hal wasiir oo Academic ah islamarkaana aan toos u hoos imaanin Xasan Cali Kheyre ama aan loo amrin sida Wasiirada kaliye ee Dowladda Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo hore u ahaa Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, ayaa la sheegay in uu yahay wasiirka kaliya ee aan loola dhaqmin Wasiirada kale.

Caasimada Online ayaa ogaatay Wasiirka Arimaha dibadda uusan badanaa xaadirin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo kulamada Golaha Wasiirada, sidoo kale waxa uu jebiyay amaro badan oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Amarada uu diiday qaadashadooda waxaa kamid ah in uu Ra’iisul Wasaaraha ku wargeliyo markii uu doonayo in uu wareysi bixiyo ama uu soo saaro War-saxaafadeed. Sidoo kale Axmed Ciise Cawad ayaa iska diiday in uu ka qayb qaato ololayaasha ay ka qayb galaan Golaha Wasiirada ee lagu amaanayo Ra’iisul Wasaaraha markii ay warbaahinta la hadlayaan.

Waxyaabaha kale oo ay ogaatay Caasimada Online waxaa kamid ah in Wasiir Cawad uu shirka Golaha Wasiirada ka sheego qaladaadka Xukuumadda, taas oo ah qodob oo aysan wasiirada kale ku dhiiran karin waxaana hore xilalkooda ugu waayay Yuusuf Garaad, Wasiir Juxa iyo Daahir Geelle.

Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Wasiirka uu toos ugu xiran yahay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, go’aanada uu gaarayana uu ka tala geliyo Madaxweynaha Soomaaliya waqtiyada qaarna la geeyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Shirka golaha Wasiirada balse uusan aheyn sida wasiirada kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this