Sign in to follow this  
Deeq A.

Qiso Cajiib Ah: Raysal Wasaaraha Malaysia Iyo Madaxweynaha Soomaliya Oo Laba Nooc Oo Aad U Kala Duwan U Kala Cimraystay Xaramka Makka: Hoos Ka Akhriso.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Makka) Ra’isal Wasaraha ugu Saamaynta Baddan Dunidda Islaamka iyo Qaaradda Asia ee Dr’ Mahathir Bin Mohamad oo Dalkiisa Malaysia Ka Dhigay Waddan hodan ah oo ku jira kaalmaha ugu horeeya waddamada horumaray , 32 Million oo Shacabkiisa Ahna Sannadkii ugu Yaraan 32 Kun oo Dollar Per capita Soo Gasho Calaa Qof Waddamada Dunidda iyo Asia ugu Dhaqaalaha Baddan uguna Horrumarsan Ka Dhigay Dalkiisa oo Laba Xili Loo Kala Doortay in uu Dalkiisa Hogaamiyo oo 50 Sanno Dalkiisa ushaqeenayey Ahna Hogaamiyihii ugu Mudadda Dheeraa ee Dalkiisa Soo Maray Caalamul Carbna Miisaan Culus Ku Dhex Leh, Ayaa isaga iyo Xaajiyadiisa Siti Hasmah Kaligood Baytkii Barakaysnaa iyaga oo Bilaa ilaalo ah Dhex Dawaafay..

5F31BBAE-1173-4E7A-94D8-31952DCF6494.jpe AD0EC409-2B7C-45DB-BEA0-C8179C1C0EF7.jpe

Halka Meel Dhawr Talaabo ujirta uu Soo Galay Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo aanay Xukuumaddiisu Magaaladda Muqdisho gacanta ku wada haynin dhaqaale ahaana ku tiirsan bulshada adduunka caawimadooda, waxa galbinaayay cutubyo ka tirsan Ciidamadda habmaamuska Dalka Sacuudiga oo ammaankiisa sugaayay, iyagoo isku xeeray intii uu dawaafka cimrada ku jiray. Labadan Sawir Oo siwayn ugu faafay baraha bulshada ayay dadka kaga doodayeen kala duwanaanshaha madaxda Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this