Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA oo fashilantay

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha-PHA.png?w=1000&ssl=1Guddoomiyaha PHA Eng Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi

Daadad ka dhashay roobab mahiiggaana oo todobaadyadii u dambeeyay ka da’ayay degaannada Puntland, ayaa burbur xooggan u geystay, wadada laamiga ee xiriirisa magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Wadadan oo halbowle u ah isku-xirka gobollada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, ayaa meelo kala duwan ka go’day, kadib  markii ay maasheeyeen hirar daadad ah oo ka abuurmay roobabka gu’ga.

Laga soo bilaabo degaanka Yalho oo ka tirssan gobolka Bari ilaa tuulada Sinujiif ee gobolka Nugaal, waxaa laamigu ka go’ay lix meelood, waxaana gebi haanba joogsaday isu-socodka gaadiidka isaga goosha Boosaaso iyo Gaalkacyo oo ku xaniban labada dhinac.

Laamiga ayaa ka go’ay degaannada; Yalho, Sanjilbo,jurile, Carta, Xaajikhayr iyo Sinujiif oo ka kala tirsan gobollada Bari, karkaar iyo Nugaal,iyadoo meelaha qaar laamiga dhan xaaqmay, halka qeyba  kalena godad iyo boholo ka samaysmeen.

GOAY.jpg?w=1000&ssl=11 June 2019 Laamiga dheer ee Garoowe iyo Boosaaso oo daadad gooyeen

Sidoo kale, waxa saddex meelood ka burburray wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood oo daadad xooggan ay bohol iyo  godad ka sameeyeen, islamarkaana gaadiidku si dhib ah isaga gudbayaan.

Waxaa la sheegaya in shilal badan oo khasaare naf iyo maalba geystay ay ka dhasheen, burburka laamiga oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen ilaa 10 shil oo kala duwan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ilaalada waddooyinka Puntland.

Maaha wax shalay iyo maanta oo keliya dhacay, ee waxaa jira qeyba kamid ah laamiga oo todobaad ka hor go’ay, gaadiidkiina ku xanniban yihiin, waxaana xusid mudan in xataa mas’uuiyiin ka tirsan golayaasha dowladda oo ka yimid gobolka Sanaag, kuna socday Garoowe ay u xayiran yihiin wadada go’an.

Sidaan oo kale markii ay dhacdo, waxaa doorkeedu muuqan jiray, hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA oo kaalinteeda la mahadiyay  November 2013, xilligaasi oo ay go’day buundada weyn ee Middigar, islamarkaana ay laamiga xaaqeen fatahaado uu sameeyay roob dabaylo watay oo ka da’ay gobolla kamid ah Puntland.

Hay’adda ayaa wakhtigaasi dadaal badan gelisay dib u dayac-tirka meelaha uu laamiga ka go’ay iyo dhismaha buundada weyn ee Middigar oo markiiba loo hawlgalay dib u-dhiskeeda laguna guulaystay.

Midigar.png?w=1000&ssl=1Buunada Midigar oo go’day 11 Nov 2013 ayaa xillgaasi dib loo dhisay

Balse, xilligan oo mudda todobaad ka badan ay go’an yihiin qeyba kamid ah laamiga, halka qeyba kalena ay tan iyo shalay go’een,  ayaysan xataa ka hadlin hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA, iska daa in ay wax ka qabatee.

Haddaba, maxaa ku dhacay hay’addii PHA?

Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay, in hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA ay sii duukhaysay tan iyo sannadkii 2018, kadib markii ay ku fashilantay mashruucii weynaa ee dib u-dhiska wadada laamiga ah ee Garoowe iyo Gaalkacyo.

8-dii September 2018, dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday, in ay joojisay mashruucii dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo, kadib markii jarmalku uu musuq maasuq iyo wax isdaba-marin ku eedeeyay maamulka sare ee hay’adda PHA oo Puntland u qaabilsaneyd fulinta iyo hirgelinta mashruuca.

JALAM-XARFO.jpeg?w=1000&ssl=18 Sep 2018 Jarmalka oo joojiyay Mashruucii wadada Garowe_Gaalkacyo

Wixii wakhtigaasi ka dambeeyay, waxaa  sida la xaqiijiyay meesha ka baxay kalsoonidii lagu qabay hufnaanta maamulka sare ee hay’adda PHA, waxaana ka dareeray dhammaan hay’adihii mashaariicda la fulin jiray.

Waxaa ka sii horraysay, dagaal ka dhacay xarunta hay’adda, kadib markii ilaalada xarunta ay weerar ku qaadeen guddoomiyaha PHA, Eng Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi oo ay ku eedeeyeen in uu musuq maasuqay mushar iyo xuquuq ay ku lahaayeen.

Eng Cabdirisaaq ayaa ka badbaaday weerarkaasi, balse waxaa ku dhaawacmay mid kamid ah ilaalada hay’adda oo isu dhigay rasaasta,si uu u difaaco guddoomiyaha.

Arrimahaasi is-biirsaday, ayaa sida la sheegayo sabab u noqdeen in shaqadii hay’adda uu hoos u dhac ballaaran ku yimaado, ayna haatan ku soo ururtay uun magac u-yaal, taasoo ay dheertahay xasarado u dhexeeya maamulka iyo shaqaalaha oo ka aloosan gudaheeda.

PUNTLAND POST

The post Xog: Hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA oo fashilantay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this