Sign in to follow this  
Deeq A.

56 maalmood kadib markii la sameeyey 991, Zakiya oo shaacisay xog yaab leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa muddo labo bil ah kadib soo bandhigay xiriiradii kala duwanaa ee dadweynaha magaalada Muqdisho la sameeyeen Nambarka gaaban ee 991 oo dhawaan laga hergeliyay magaalada.

Nambarkaasi gaaban ayaa ciidamada booliska waxay ugu talo galeen inay dadweynaha kala xiriiraan, si ay ula wadaagaan qataraha dhanka amaanka ah, xaalada deg dega iyo marka ay u baahdaan inay boolis deg deg usoo gaaraan.

Taliska ciidamada Booliska ayaa sheegay in muddo 56 maalin oo uu dhisan Nambarkaasi gaaban inay la xiriireen 3339 ruux oo ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo macluumaad kala duwan la wadaagayay laamaha amaanka.

Wicitaanadaasi ayaa 340 kamid ah waxaa la sheegay inay noqdeen Cabasho iyo xogo sirdoon oo muhiim ah, taasi oo laamaha amaanka u suurogalisay inay soo qabtaan dadka shacabka tuhmeen ee lala wadaagay laamaha amaanka.

10 kamid ah wicitaanada shacabka ay sameeyeen ayaa la sheegay in lagu soo qabtay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Al Shabaab, sida lagu sheegay warbixin booliska ay soo bandhigeen oo u muuqday kuwo xayeysiis ah.

Hay’adaha amaanka ayaa sidoo kale ku howlan ka jawaabista xogaha dhanka amaanka iyo sirdoonka ah ee loosoo gudbiyay, sida warbixinta lagu sheegay.

Waxaa jirta Kalsooni yaraan dhanka Shacabka iyo ciidamada Booliska ah, taasi oo wali laga yaabo inay saameyn ku yeelatay xiriir wanaagsan oo dhex mara Shacabka iyo Laamaha Booliska.

Shacabka ayaanan heysan damaanad qaad buuxda marka ay xogo dhanka sirdoonka iyo amaanka la wadaagaan laamaha amaanka dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this