Sign in to follow this  
Deeq A.

Faafin Deg deg ah: Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka

Recommended Posts

Deeq A.   
Karaash.jpg?w=1000&ssl=1Ku simaha ahna madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan

Garoowe, Juun, 01 2019: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka.

Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan, isla markaasna warbixino ka soo diyaariyaan baaxadda waxyeelo ee fatahaadaha roobka, ayna wax ka qabtaan waxyeelada ay u geysteen daadadku dadka, xoolaha, wadooyinka, deegaanka iyo saamaynta ay ku reebeen roobabkii ka da’ayey guud ahaan deegaanada Puntland.

Sidoo kale Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa ka kooban Wasaarado, Hay’addo dowliya, Guddoomiyayaal Gobol iyo Taliska ciidanka Booliska Puntland, waxaana ay leeyihiin Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghayn.

Guddiga ayaa kala ah: –

1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Guddoomiye

2. Wasaaradda Hawlaha Guud G/Ku Xigeen

3. Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo 
Biyaha Xubin

4. Wasaaradda Maaliyadda Xubin

5. Wasaaradda Ganacsiga Xubin

6. Wasaaradda Xanaanada 
Xoolaha Xubin

7. Wasaaradda Deegaanka Xubin

8. Wasaaradda Caafimaadka Xubin

9. Wasaaradda Qorshaynta Xubin

10. Madaxtooyada Xubin

11. Taliska Ciidanka Booliska Xubin

12. Hay’adda HADMA Xoghayn

13. Hay’adda PHA Xubin

14. Guddoomiyayaasha Gobolada Xubin

Ugu dambayn, Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku wargeliyey cid kasta oo hawshani khuseyso inay kala shaqeeyaan guriga, isla markaasna u fududeeyaan guddigan wixii hawl ah ee ay u baahdaan, si ay ugu fududaato hawsha loo igmaday.

_DHAMMAAD_

The post Faafin Deg deg ah: Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this