Sign in to follow this  
Deeq A.

Qeybo kamid ah gobolka Nugaal oo qarsoomay kadib markii fatahaado ku dhufteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo laamaha amniga gobolka ayaa maanta booqday dooxooyinka dhanka bari ka xiga magaalada Garoowe oo ay fataxaad ka sameeyeen roobabka gu’ga.

Wasiirada wasaaradaha Degaanka iyo Gaadiidka Puntland oo ay weheliyaan guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, taliyaha qeybta Booliiska iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqday dooxooyinka loo yaqaan “Ayaxda” oo gebi ahaanba qarsoomay kadib markii roobab mahiiggaana oo ka da’ay mowjado fatahaada ka sameeyeen.

Mas’uuliyiinta ayaa ku xannibay oo shishay u dhaafi waayay, tuulada Sinujiif oo 60 km dhinaca bari ka xigta caasimadda Puntland, halkaasi oo wadada laamiga laba meelood ka go’day, islamarkaana isu-socodkii gaadiidka ku xayirmay.

Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale oo doonayay in ay u gudbaan tuulada Xaaji Khayr oo daadadku aaseen ayaa dib ugu soo laabtay Garoowe, kadib markii ay u suurta-geli wayday.

Sidoo kale, wararka laga helayo tuulooyin badan oo ku yaalla bariga gobolka Nugaal, ayaa sheegay in ay go’doon yihiin tuuloyinkaasi oo ku haftay mowjado daadad ah oo roobabku fataheen halka qaar ay aasmeen.

Isgaarsiinta ayaa guud ahaan ka go’an degaannada fatahaaddu ka dhacday, waxaana yar in xog sugan laga helo khasaaraha naf iyo maalba leh ee roobabku geysteen.

Dhinaca kale, Kusimaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa galabta faafin deg deg ah ku magacaabay guddi la tacaala fatahaadda oo ka kooban golayaasha dowladda.

Halkaan ka eeg sawirada fatahaadda

  • 1-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 13.jpg?w=1000&ssl=1
  • 15.jpg?w=1000&ssl=1
  • 18.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Qeybo kamid ah gobolka Nugaal oo qarsoomay kadib markii fatahaado ku dhufteen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this