Sign in to follow this  
Deeq A.

Daadadku waxay qaateen qoyskaygii oo dhan

Recommended Posts

Deeq A.   
FATAHAADDA.jpg?w=1000&ssl=1Fatahaadda ay sameeyeen roobabka

Qoyska reer Maxamed Bile oo ku noolaa miyiga tuulada Xaaji Khayr ee gobolka Nugaal, kana koobnaa 8 ruux, ayaa xalay waxaa qaatay diiqalyo xooggan oo ku rogmatay dooxada reerku yaallay.

3 xubnood oo kamid ah qoyska ayaa ku dhintay daadadka, halka 5-tii xubnood oo kale ayaa la soo badbaadiyay, kadib markii  saaka laga soo helay geed dhaladiisa haatana waxa lagu dabiibaya isbitaalka guud ee magaalada Qardho.

Haddaba, Saynab Maxamed Bile oo reerka uga shaqeyn jiray magaalada Garoowe, ayaa saaka la soo gaarsiiyay warka sheegaya in qoyskoodii biya la tageen, waxaana ay orod kaga baxday magaalada Garoowe, si ay bal raq iyo ruux u raadiso qoyskeedii, balse mowjadaha daadadka ayaa ku xannibay tuulada Sinujiif.

Saynab oo aad u murugaysan ayaa telefishinka Puntland kula hadashay duleedka magaalada Garoowe, markii ay soo laabatay, iyadoo ka warbixisay xogta ay ka heshay musiibada dhacday.

Halkaan hoose ka daawo hadalkeeda

PUNTLAND POST

The post Daadadku waxay qaateen qoyskaygii oo dhan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this