Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo shaacisay in la dhimayo Ciidamada AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – Golaha AmMaanka ee QM ayaa maalintii shalay u codeeyay qaraar cusub oo lagu dhimayo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, xilli ay Soomaaliya ku soo wajahan tahay doorasho sanadka 2020-KA.

Qaraarkan oo ay soo gudbisay dowladda Ingiriiska ayaa waxay xubnaha Golaha AmMaanka ansixiyeen in 1,000 askari laga soo qaado Soomaaliya, iyadoo tirada Askarta AMISOM noqonayso sanadka soo socda 19,626.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorsho la dejiyay 2017 kaasoo loogu tala galay in ciidamada AMISOM ay Soomaaliya uga baxaan si aan hal mar ahayn, iyadoo mas’uuliyadda amniga lagu wareejinayo ciidamada xoogga dalka marka la gaaro 2021-KA.

Waxaa sidoo kale dalka ku sugan Askar boolis ah oo gaaraya 1,040, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa.

AMISOM oo 10 sano jirsatay ayaa ka gacan siisa DF in ay dib u hanato gacan ku haynta gobollada dalka, oo qeybo ka mid ah wali ay ku sugan yihiin xoogaga Al Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this