Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Roobabka gu’ga oo kala jaray laamiga hawlbowlaha ee gobollada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Laamiga dheer ee isku xira magaalooyinka waaaweyn ee Puntland ayaa ka go’ay tuulada Sinujiif oo 60 km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe kadib markii uu daadad xooggan ku celiyay roob mahiiggaan ah oo in ka badan 24-saac ka da’yay gobolka Nugaal.

Isu-socodka gaadiidka ayaa tan iyo saaka hakad ku jira inta u dhexaysa Garoowe iyo Qardho maadaama uu laamiga ka go’ay tuulada Sinujiif.

Mowjado daadad ah oo roobku soo celiyay ayaa bad u ekaysiiyay guud ahaan dooxooyinka “Ayax-geed-gaaban” oo dhaca bariga gobolka Nugaal halkaasi oo la soo sheegayo in ay buuxsameen tuulooyin badan.

Maamulka gobolka Nugaal ayaa sheegaya in ay weli qiimaynayaan khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay daadadka ku soo rogmaday gobolka.

Sawirada hoose waa halka laamiga ka go’ay

2.jpg?w=1000&ssl=1 3.jpg?w=1000&ssl=1 aaa.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Sawirro: Roobabka gu’ga oo kala jaray laamiga hawlbowlaha ee gobollada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this