Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo go’aamisay in 1,000 oo ka tirsan Howlgalka AMISOM laga saaro Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqday inay mar kale dhimeyso Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, si loo gaarsiiyo 19,626 Askari inta aan la gaarin 28-ka Febaraayo sanadka soo socda ee 2020.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Jimcihii shalay isku raacay in 1,000 askari oo hor leh laga saaro dalka, iyadoo aanay si rasmi ah loo sheegin dalka uu noqonayo, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in Kenya ama Burundi inay yihiin askarta laga saarayo.

Qorshahan cusub waxaa golaha hor dhigtay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah Wadamada bixiya Dhaqaalaha lagu socodsiiyo howlgalka AMISOM, waxaana dlakan sidoo kale uga sugan Saraakiil tababar siiya Ciidamada Soomaalida ee SNA iyo kuwa AMISOM.

Marka talaabadaas la qaadayo waxaa iyana bar bar socda qorshe ah in la kordhiyo Booliska AMISOM, lana gaarsiiyo ilaa iyo 1040-askari oo Boolis ah.

Qorshahaan ayaa qayb ka ah kii xaalada kala guurka ah ee lagu heshiiyay sanadkii 2017-kii iyadoona tan iyo waqtigaas  si tartartiib ah loo dhimayay Ciidamada AMISOM.

QM ayaa raadinaysa sidii ay xasilooni ugu soo dabaali lahaayeen Soomaaliya xilli dagaalamyaasha Al-Shabaab oo ku xiran urur waynaha Al-Qaacida uu u jeedkoodu yahay sidii ay meesha kaga saari lahaayeen dowladnimada Soomaaliya.

Taliska AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore ku cel celiyay in inta aaney dhamaan mudada dowladdan uu hoggaamiyo Madaxweyne Famaajo ay ammaanka dalka ku wareejinayaan Ciidamada Soomaaliya, iyadoo la dhimayo tirada Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee gaaraya 22 kun askari, kuwaasoo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Hawlgalka midowga afrika ee AMISOM ayaa la’asaasay sanadkii 2007-kii iyadoona dowladaha ay Ciidamadoodu qaybta ka yihiin hawlagalka AMISOM ay ka mid yihiin Brundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this