Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka amniga Galmudug oo ka badbaaday shil Gaari

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay shil Gaari oo uu ka badbaaday Wasiirka Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Cali oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaasi.

Shilkan oo geystay khasaare kala duwan ayaa waxaa la sheegay in waxyeelo u badan dhaawac ay ka soo gaartay ilaalada Wasiirkaasi.

Askarta dhaawacantay ayaa lagu soo warramayaa in loo soo qaaday magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wasiir Saadaq Sheekh Cali ayaa xilliga uu shilku dhacayay ku guda jiray kormeerka xeryo Ciidamada Galmudug ay ku leeyihiin halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this