Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciyaaryahanada Xulka Qaranka Oo Guul Ka Gaaray Kooxda Dowladda Hoose Ee Muqdisho City Club

Recommended Posts

Deeq A.   

Xidigaha xulka qaranka oo labadii bil ee lasoo dhaafay kulamo saaxiibtino la qaatay kooxaha kala gedisan ee ka ciyaara horyaalka Somalia Premier League ayaa inta badan gaaray guulo weyn,iyagoo xitaa 6-0 kaga adkaaday kooxda xafidanaysa horyaalka Somalia Premier League labadii xili ciayareed lasoo dhaafay ee Dekedda.

61292481_2147851528625865_49738564083583

31-May 2019-Ciyaartooyda xulka oo kulan ciyaareed saaxiibtino garoonka Jaamacadaha kula dheelay dhigooda Muqdisho City Club ayaa labada dhinac soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan,inkastoo xidigaha dowladda hoose ee M.C.C looga adkaaday 2-0 oo ay guusha ku qaateen xidigaha xulka Ocean Stars waxaana goolasha u dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Cabdi Majiid iyo Maxamed oo Shiine oo ka tirsan L.L.P Jeenyo.

61542629_2147850985292586_60845675584956

“Waan ku faraxsanahay bandhiga sare ay soo bandhigeen ciyaartooyda iminka waxaa jira isku xir wanaagsan,balse waxaan ku da’daalaynaa in aan sii wadno bandhigeena ilaa aan ka teegsano tartamada aan Qeybta ka nahay si aan taageerayaasheena ugu keeno guulo lago faano”ayuu Goobjoog Sports u sheegay tababaraha reer Ghana Bashir Hayford ee hogaamiya xulka qaranka.

Bashiru-Hayford-882-1200x600-780x405-300

18-May 2019-Da’yarta kooxda Muqdisho City Club ayaa iyaga qudhooda ciyaar saaxiibtinimoo la qaatay dhigooda xulka qaranka waxaana ciyaartaas 2-0 guusha ku qaatay xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City

60886611_2125665984177753_10879443660198

“Guul darada waa qeyb ka mid ah kubbadda cagta,bandhiga ay soo bandhigeen xidigaheena waxa uu ahaa mid aad u sareeya,balse waxaa diirada saaraynaa in aan kaalin wanaagsan ka gaarno tartamada aan qeybta ka anahay ee kubbadda cagta dalka “waxaa Goobjoog Sports ugu waramay guddomiyaha naadiga Muqdisho City Club Abuukar Maxmed Sheekh.

49803055_10218482233033963_2378858290764

Wax ka ogow Liiska Xidigaha Muqdisho City Club ee Qeybta ka aha Safka xulka
Axmed Cabdullahi Cabdi (Baanuu),Cali Cumar Cali (Cali Yare),Xasan Maxamed Aadan (Xasan Santos)        Ciise Cabdiqaadir Ibraahim (Daafac) ,Abuukar Cabdulahi Siidow,Feysal Axmed Xasan .

Qlinle-Sports.00_00_34_05.Still002-300x1

“Waxaan u rajaynayaa in ay Soomaaliya u keenaan sharaf iyo guul anagoo dhan ayaa ku kalsoon xirfadooda,taageerayaasha kooxda si wanaagsan ayay aqbaarka ula dhacsanyihiin” waxaa Goobjoog Sports  sidaas u sheegay Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo ka mid ah maamulka kooxda Muqdisho City Club.

59427242_139843813809136_174194615723753

Feysal Axmed Xasan oo wacdar kusoo bandhigay kulamadii uu ka hortagay Xulalka Jabuuti iyo Ethiopia kana ka tirsan kooxda Muqdisho City ayaa ku hami weyn in goolal badan ka dhalin karo xulalka uu ka hortagayo iyo in ay soo laabtay niyadiii taageerayaasha xulka,isagoo sheegay in xirfadyaasha xulka ay ka go’an tahay in Soomaaliya guul u soo hooyaan sidii dhacday sanadkii lasoo dhaafay 2018.

Sequence-05.00_06_10_19.Still002-300x225

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this