Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare ka dhashay daadad ku rogmaday degaanno ka tirsan gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Mowjado daadad ah oo ku rogmaday tuulada Sinujiif oo qiyaastii 60 km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe ayaa laamiga ka gooyay meel u dhexaysa buundada weyn ee Middigar iyo tuulada Sinujiif.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad Diiriye Faarax ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in gebi ahaanba laamiga xiriiraya Garoowe iyo Qardho uu ka go’ay tuulada Sinujiif ee gobolka Nugaal.

Balse guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in aysan go’in buundada Middigar oo hore si isku tashiya loo dhisay kadib markii ay daadad gooyeen 11-kii November sannadkii 2013.

Dhinaca kale wararka laga helayo tuulada Xaaji Khayr ee isla gobolka Nugaal ayaa sheegaya in 3 carruur ah lagu la’yahay daadad xooggan oo ku rogmaday tuulada halka 5 carruur ah oo kalena laga soo badbaadiyay daadadka iyagoo loola cararay isbitaalka magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Roobab mahiiggaan ah oo weli ka da’aya degaanno ka tirsan bariga gobolka Nugaal ayaa daadad xooggan ku celiyay tuulooyin badan oo hoostaga degmada Dangoroyo iyo caasimadda Puntland ee Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Khasaare ka dhashay daadad ku rogmaday degaanno ka tirsan gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this